Dhageyso:-Magaalada Hargeysa oo laga bilaabay howlgal Gawaarida looga fiiqayo Muraayadaha Madow

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta daafaha iyo Gudaha Hargeysa waxa ay ka bilaabeen howlgal ay ku baarayeen Gaadiidka isticmaalaya wadooyinkaas,haba ugu badnaatee kuwa yar yar ee nooca raaxada.

Ujeedka howlgalka iyo sababaha xiligan ku soo beegay waxaa warbaahinta u faah faahiyay taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada Soomaaliland feysal Xiis Cilmi.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in howlgalkan guud ahaan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,islamarkaana Gawaarida Muraayadaha Madoow ay ku xiran yihiin looga fiiqayay.

Waxa uu sheegay in amarkaan uu dhawaan bixiyay taliyaha Ciidnka Booliiska Soomaaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan,islamarkaana uu sii socon doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka Soomaaliland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media