Dhageyso:-Madxweynaha Puntland oo Ciidamada ugu baaqay in ay kordhiyaan la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cli Gaas,oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay Ciidamada Maamulkaas in ay kordhiyana dagaalka ay kula jiraan Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Madaxweyne Gaas,ayaa sheegay in la boohan yahay islamarkaana ay muhiim tahay in Ciidamadu ay ka qeyb qaataan dagaalkas iyaga oo kaashana Shacabka Nabada jecel ee Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweyne Gaas,ayaa sidoo kale waxaa ku jiray in la doonayo Shacabka iyo Ciidamada ay ka feejignaadaan weeraro kaga yimaada Al-Shabaab iyo Daacish oo Puntlnd ay dagaal kula jirto.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media