Dhageyso:-Madaxweynihii hore ee Ximin & Xeeb Tiiceey”Maxkamad ayaan ka dacweeyey Dadkii ka dambeeyey kiiskii leygu xiray”

Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin & Xeeb Maxamed Aadan(Tiiceey) ayaa sheegay in uu Maxkamad la tiigsanayo dad uu sheegay in ay dacwad been ah ka gudbiyeen dacwadaas oo sababtay in mudo Afar Sano oo uu ku xirnaa dalka  Belgium.

Tiiceey oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa Wareysi uu siiyey Radio Dalsan waxa uu sheegay in arrin qiyaano ah lagu sameeyey,isla markaana isaga iyo dadka Soomaliyeed dakano laga galo falkaasna ay ku dhaqaaqeen dad sheeganaya in ay ku sugan yihiin dal Dimuqraadi ah.

“Runtii aniga dambi weyn ayaa leyga galay kaligeey maahine dadka soomaaliyeed oo dhan ayaa laga galay dad ayaa dacwad been ah iga gudbiyey waana kuwo dakano abuurtay,xaqiiqdii intii an ku xirnaa Belgium-ka wax dhibaato ah maqabin laakin wax xuriyad maheysan,waxana aminsanaa in cadaalad darrada kaliya ay taallo dalalka Aasia balse waxana ogaaday in Belgium-ka ay qeyb ka tahay dadkii iga been abuurtayna aan hadda dacwad iigu socoto ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Maamulkii uu Madaxda ka ahaa ay soo wada Shaqeeyeen Madaxweynayaasha Sheekh Shariif iyo kuwo kale,isla markaana uu wax badan ka qabtay la-dagaalanka burcad Badeeda oo dhibaato ku hayay dalka laakin la iigu bedelay in aan aniga ka tirsanahay Burcad Badeeda Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in xarigiisa ay sabab u aheyd dad doonaya in aysan dhammaan Burcad badeednimada oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib dalalka deriska ah ay ka mid yihiin oo isku arkay in aan Shaqadooda hor-istaagay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kiiskii loo heystay mudo kadib uu noqday mid been abuur ah oo cadeyn loo waayey Shaqsiyaadkii dacwada been abuurka ah ka gudbiyey uu isaga iminka dacwad u furan tahay uuna rajeynayo in dhawaan ay soo dhamaato.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin & Xeeb Maxamed Aadan(Tiiceey).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media