Dhageyso:-Madaxweynihii hore ee Hir-Shabelle oo ka digay dhibaato ka dhalata xiisad ka taagan G/Hiiraan

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa xiisado dagaal oo u dahxeeyey laba maleeshiyo beeleed ay ka tag naayeen deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan,waxaan jira dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadaas.

Waxgarad iyo xildhibaanada dowlad Goboledyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa dhankooda waxa ay ku baaqayeen in xal laga gaaro xiisadaas,iyada oo horay labadaasi maleeshiyo beeleed uu dhex maray dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlay Dalsan ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug,Hir-Shabeelle in ay dadkaasi dhexgalaan six al looga gaaro dagaalkaas.

Sidoo kale waxa oo ka codsaday Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Xubnaha labada Aqal ee ka soo jeeda Hir-Shabeelle iyo Galmudug in iyana dhankooda ay ku baxaan si loo badbaadiyo in dhiig kale uu ku daato dagaalo dhexmara labadaasi beeleed.

Sikastaba colaada u dhaxeysa labada beelood ayaa ah mid dhowrkii sano ee ugu dambeyasy soo jiitameysay,waxana fashilmay dadaalo lagu xalinayey dagaaladaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media