Dhageyso:-Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle oo u tartamaya Kursi Xildhibaanimo

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 28/1/2018 lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya.

Kurigaan ayaa taliye Sambaloolshe waxa uu ku waayay kadib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida,waxana la filayaa in uu mar kale u tartamo Xubinta Xildhibaanimo Sambaloolshe.

Gudiga doorashooyinka Qaran ayaa horay u soo banhigay shuruudaha looga baahan yahay Shaqsiga u tartamaya Xubinta xildhibaanimo oo ay u tartami doonaan dad ka soo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan Cali Madaxweyne.

Dadka ugu cadcad ee tartami doona Maalinta Berito ah waxaa ka mid ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shalay lagu soo dhaweeyay jowhar.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa waxa uu sheegay Cosoble in uu ku faraxsan yahay in uu markale dib ugu soo laabto Jowhar waliba isaga oo ah musharax Kursiga xildhibaanimo ee Beeshiisa.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashadaas si cadaalad ah ay ku dhacdo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media