Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf”Dowladda ayaa ii diiday in aan ka soo dego Garoonka Diyaaradaha Muqdisho”

Axmed Ducaalle Geele Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in safarkiisa ay carqaladeysay dowladda Federaalka Soomaliya.

Waxa uu sheegay in maanta loo diiday in Diyaaradiisa ay ka soo degto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho taas oo keentay in Diyaaradii siday ay ku hakato Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

“Saakay 6:30 ayaan imid Hargeysa ilaa mudo 5 saacadood ayaan ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha hargeysa,dagaal cidaya dirir ah oo aan fiicneyn ayaa ii muuqda ayuu yiri Madaxweyne Xaaf”

Waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in dowladda Federaalka ay ku heyso faragelin, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay Shacabka Galmudug in ay iska ilaaliyaan dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media