Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulan la qaatay Ciyaaryahanada Maamulka Galmudug u matalaya tartanka Kubada Cagta maamul goboleedyada kaas oo dhawaan ka furmi doona Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha ayaa Ciyaartooyda u balan qaaday in hadii ay ku guuleystaan koobka uu siin doono abaal Marin aan wali horay looga bixin Somalia.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciyaaryahankii gool dhaliya uu siinayo 300$ (sadex boqol oo dollar) kii ka caawiyayna la siin doono 200$ (Labo boqol oo dollar)
Qaar ka mid ah Ciyaartooyda ayaa iyana aad u soo dhaweeyay dhiiragelinta uu u sameeyay Madaxweyne Xaaf.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada