Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf, oo sheegay isbaarooyinka yaala degmada Galinsoor ay hoos u dhigeen Nolosha dadka deegaanka

Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo shalay tegay deegaanka gelinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in deegaankaas dhawaan la geyn doono Gawaari sido raashin Gargaar ah.

Waxa uu sheegay in deeqdaas la doonayo in loo qeybsado sidii loogu talo galay,balse aan wanaagsaneyn in la musq maasuqo,sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf,ayaa soo hadal qaaday Isbaarooyin qeybo ka mid ah deegaankaas,waxa uuna sheegay in iyada oo isbaaro taalo gelinsoor uusan ka da’eynin roob,sidaas darteedna ugu baaqayo in ay isbaarada iska daayaan.

“Iyada oo isbaaro taalo gelinsoor walee in uusan ka da’eynin roob ee walaalayaal iska daaya isbaarada, anga ayaa mudo sodon sano ah kor joognay dad isbaaro dhiganaya wax horumar ahna kama gaarin eek u dadaala reer gelinsoor sidii looga weyn lahaa deegaankiina isbaarada ayuu yiri madaxweynaha Maamulka Glmudug”

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media