Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo dalbaday in la soo celiyo Diyaaradii Soomaali Airline

Iyadoo uu soconaya dadaal Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso dib u soo celinta hantidii ka maqnayd dalka,iyo dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) wuxuu ka hadlay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in dib loo soo celiyo adeegii duulimaadka ee Shirkadii Soomaali Arilines.

Hadalo kooban oo uu ka jeediyay xafladii lagu daah furayay xarunta maamulka Hawadda Soomaaliya,ayuu Madaxweyne Xaaf ku baaqay in la iska kaashado sidii looga shaqeyn lahaaa dib u soo celinta Soomaali Airline oo uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay adeegyada muhiimka ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale Maxamed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Galmudug uu u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa adeegyadii Soomaali Airline.

Tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya,waxaa meesha ka baxay adeegyadii iyo hay’adihii muhiimka u ahaa dalka,balse Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystaya in ay dib u soo celiso kaabayaashii dhaqalaah dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media