Dhageyso:-Madaxweyne Waare”Dad Muqdisho joogo ayaa dhaqaalo ku bixinaya in aan joojino dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab”

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabelle oo bilaabay qorsho uu ku tababaro Ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Xarumo Ciidan laga sameeyey Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne balse waxa  uu sheegay in ay jiraan dad diidan dagaalka Al-Shabaab oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

“Waan ognahay dad ayaa jira doonaya in Hir-Shabelle ay saan sii ahaato,diyaar ayaan u nahay in aan sameyno howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab balse waxaa jira dad ku sugan Magalada Muqdisho oo dhaqaalo ku bixinaya in aan la qaadin howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ayuu yiri Madaxweyne Waare”

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in Hir-Shabeelle uu soo maray heer Magaalooyinka dhexdooda in isbaarooyin la dhigto balse haatan ay jiraan dad doonaya in ficilkaas uu soo laabto.

Hadalka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ku soo aadaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan,howlgalkaas oo Saraakiishu ay sheegeen in ay guulo ka gaareen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media