Dhageyso:-Madaxweyne Siilaanyo amar siiyay laamaha Amniga Maamulka Soomaaliland

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa ugu horeyn waxa uu ugu baaqay xisbiyada ka mid ah kuwa ku tartamaya doorashada in aan l aqbali doonin in ay sameeyaan dabaaldegyo iyada oo aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada.

Waxa uu sheegay in sidoo kale aan la aqbali doonin dibin daabyada lagu wado nabada iyo deganaansha Soomalilnd,isaga oo amray laamaha amniga in ay tallaabo qaadaan.

Isaga oo dardaaran u jeedinayay Madaxda Xisbiyada ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ay dhowraan sugnaanta doorashad isla markaana aysan sameyn wax hordhac ah si aysan markale rabshada uga dhicin soomaaliland.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili weli la sugayo ku dhawaaqista Natiijada doorashadii 13,kii Bishaan ka dhacdo Deeganada Soomaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Siilaanya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media