Dhageyso:-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug”Safarkii Madaxweyne Farmaajo Waa guul u soo hoyatay Shacabka Galmudug”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho laba todobaad ah waxa uu ku tegay deegaano ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug,waxaana booqashadaas lagu tilmaamay in ay aheyd mid guul ah.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tegay deegaano ka mid ah Galmudug uu ahaa mid taariikda u galay shacabka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay tahay wax lagu farxo maadaama uu ahaa safarkaas mid aan dhicin 27 kii Sano ee la soo dhaafay,isla markaana uu madaxweynuhu la kulmay dad aan waligood arag Madaxweyne Soomaaliyeed.

Sikastaba safarkii Madaxweyne Farmaajo ee deegaanada Galmudug iyo Puntland ayaa noqday mid ay inta badan soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo waliba xataa siyaasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ku ahaa dowladda.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media