Dhageyso:-Madaxweyne Gaas”Waxaan rajeynayaa in Amniga Puntland aan sii adkeyno”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa Galabta soo gaaray  magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay ujeedka safarkiisa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho isaga iyo wefdiga uu hogaaminayo ay kaga qayb geli doonaan shirka amniga Qaranka ,shirkaas oo ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayna kasoo qayb geli doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah Dowlada Feredaalka Soomaaliay.

” Waxaan rajeynayaa in aan amnigeena iyo nabad-gelyadeena sii kobcino guul iyo kheyr ayaan rajaynayaa inshaa alaah “ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shirka looga hadlayo amniga Qaranka Soomaalia ayaa furmi doona maalinimada berri ah lana soo geba-gebayn doono labada maamlood ee fooda inagu soo haysa.

Madaxda Kale ee Maamulada Dalka ayaa Qaarkood Gaaray Magaaladda Muqdisho, Iyagoona Ka qeybgalaya Shirka Barri Ka furmaya Halkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media