Dhageyso:-Madaxweyne Gaas”Waxaan ka digayaa in dalka uu dib ugu  laabto xukun Millateri”

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maantay ka hadlay shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arimaha dastuurka iyo federalka.

Madaxweyne Gaas,ayaa ka hadlay nooca Dastuur ee la doonayo inuu dalku yeesho,isaga oo  soo hadal qaaday  dastuurka KMG ah iyo Marxaladihii uu soo maray waxaana uu sheegay in dadaal badan ay puntland ku bixisay sidii loo heli lahaa dastuur dalku yeesho balse la xaday.

Madaxweyne Gaas oo hadalkiisa laga dheehanayey khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxda dowladda Federalka ayaa sheegay in dalku uusan u baahnayn inuu dib ugu laabto xukun milatari.

Hoos Ka Dhageyso shir Jaraa’id uu Warbaahinta u qabtay Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor