Dhageyso:-Madaxweyne Gaas oo sheegay in Imaaraadka uu kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib safar maalma qaatay oo uu ku tegay Imaaraadaka Carabta.

Madaxweyne Gaas ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Boosaaso waxa uu ku faah faahiyey ujeedadii u u tegay Imaaraadka iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxa Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay Madaxweyne  Cabduweli Gaas  in sababta isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen Dalka Imaaradka Carabta ay ahayd arimo laxiriira Amniga Puntland iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland , waxaana uusheegay in wadahadaladii ay layeesheen Imaaraadka uu guul ku soo dhamaaday .

Sidoo kale waxa uu sheegay in  dowladda Imaaraadka Carabta uu kala hadlay  wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka u dhexeeya dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta.

Ugu dambeyn gaas ayaa ka hadlay fatahaada qaar ka mid ah gobolada dalka uu ka geysta Wabiga Shabeelle,isaga oo shegay  in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmad loo sameynayo dadkaas.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media