Dhageyso:-Madaxweyne Gaas oo shaaciyey nooca doorasho ee Sanada 2019 ka dhaceysa Puntland

Cabduweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale waxa uu ka hadlay nooca doorasho ee loo loo qorsheeyey in ay Puntland ka dhacdo Sanada 2019 markii uu waqtigiisa dhamaado.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland uu ka dhici doono isbedel doorasho sidii ay horay ugu dhacday oo kale,sidoo kalena ay wax dooran doonaan 66 Xubnood ee uu ka kooban yahay waqtigaan Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka sugayaan jawaabta nooca doorashada ee ka dhici doonto,isla markaana ay xilligaan ku mashquulsan yihiin guddigaas.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas,ayaa ku soo aadaya xilli horay loo shaacinayay in ay macquul tahay in Madaxweyne Gaas uu waqtiga kororsado.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media