Dhageyso:-Madaxweyne Gaas oo ku soo laabtay Boosaaso kana hadlay arrimo badan+Sawirro

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo kaso degey magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo” ayuu yiri Madaxweyna Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay soo mareen dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay u tageen arrimo la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey inay aad ugu farax san yihiin inay dib ugu soo noqdaan dalka oo nabadda, waxaana uu shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntlandba ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay isaga kaashadeen sugidda amniga, horumarka iyo xasiloonida dalkooda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta Puntlandba inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda, isla mar’ahaantaana ay meel uga soo wadajeestaan cadawgooda.

Safarka Madaxweynuhu uu ku soo Gaaray Magaaladda Boosaso ayaa ku soo Aadaya Iyadoo Xaalado siyaasadeed oo Jahwareersan ay ka Taaganyihiin Deegaanada Puntland, gaar ahaana Dhinacyada Siyaasada iyo Sicir Bararka oo Gaaray Heerkii ugu Sareeyay,

Dhinaca Kale Mudadi uu madaxweynuhu Dalka ka Maqnaa ayaa Waxaa Sifooyin kala duwan xilalkoodii Looga qaaday Wasiiro iyo Taliye Ciidan oo isaguna Shaqadii laga joojiyay.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media