Dhageyso:-Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Askarigii kufsiga iyo dhaawaca u geystay Gabar 16 Jir ah

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlad goboleedyada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Askariga ka tirsan Ciidamada Mamulkiisa ee falka kufsiga iyo dhaawaca isugu daray Gabar 16 Jir ah.

Gaas oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Puntland uu ka jiro Sharci iyo kala dambeyn  sidaas darteedna Askariga Maxkamad la horgeyn doono lana waafajin doono waxa uu muteysatay.

Sidoo kale waxa uu Maamulka Jubbaland uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee dadaalka ugu bixiyeen in Askarigaas oo ka soo baxsaday Boosaaso Gacanta loogu dhigo.

Askarigaan oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Warsame ayaa Maalmo ka hor waxa uu fal Kufsi iyo dhaawac ah isugu daray Gabar 16 Jir ah oo aan Magaceeda qarinay haatana lagu daweynayo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Sidoo kale Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu hadal hayay arrinta ku adan falka dhaawaca iyo kufsiga ah uu geystay Askarigaas ka tirsan Ciidamada Badda Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Puntland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media