Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Waxaa jira Siyaasiyiin mucaarad ah oo dowladda curyaaminaya”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay jiraan dad Siyaasiyiin ah oo dowladda Mucaarad ku ah kuwaas oo doonaya in ay dalka curyaamiyaan si markaana Shacabka niyada ka jebinaya.

Waxa uu sheegay in Shacabku uu yahay dad wanagsan balse Siyaasiyiin iyo dad dano gaar ah leh kuwaas dowladda hadda jirta mucaarad ku ah isla markaana dagaal kula jira.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladii tan ka horeysay ee Xasan Sheekh iyada oo jirtay mudo lix Bilood ah ay soo waceen rag Siyaasiyiin ah kuwaas oo ku wargeliyay in ay mucaaradayaan dowladda laakin isagu uu ku yiri waa in waqti lasiiyo Dowladda si ay Guulo u gaarto.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Shabaab waxa uuna sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin dhibaatada ay dalka ku hayaan waxa uuna shacabka ka dalbaday in ay gacmaha isqabsadaan dagaalkana ka qeyb qaataan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.