Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo,oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay waxa kulan soo dhaweyn ah Jaamacadda Al-Azhar ee Magaalada Qaahir dalka Masar kula qaatay Jaaliyadda Soomaalieyed ee ku nool Gudaha dalkaas.

Munaasabadda waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya Xildhibaano,iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalkaas.

Khudbado kala duwan ayaa halkaasi laga jeediyay,waxaana xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay Bulshadii Munaasabadda Goobjooga ka ahaa u gudbiyeen waxyaabihii u qabsoomay waqtiga ay jirto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arriimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar,ayaa isna sheegay in lagu guuleestay in dib loosoo celiyo Xiriirkii Soomaaliya kala dhaxeeyay Wadamada Caalamka kuwaas oo markii hore Wasiirkii ay doonaan la xiriiri jiray balse haatan la soo xariira Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxweynaha Jmhuuriyada Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyay Munaasabada ayaa isna baaq iyo mahadnaq u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nol dalkaasi Masar.

“Waxaan ugu baaqayaa Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed ee doonaya in ay Tahriibaan in ay iska dhaafaan Tahriibta,waayo dhib aad u badan ayey kala kulmayaan,marka Walaaleyaal iska joojiya Tahriibka Dalkiina ayaa idiin baahan”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Maanta ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa in ay Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

 

Hoos Ka Dhageyso Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee Munaasabadda uu ka jeediyay.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media