Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda.
Madaxaweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in ay meel mariyaan 15 hindise sharciyeed oo ay Xukuumadda hor keeni doonto Golaha inta uu socdo kalfadhigan si loo dardargeliyo hawlaha qaranka.
Madaxweynaha oo ka hadlayey heshiiskii Dekedda Berbera ayaa sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 7aad, Faqrooyinkiisa 2aad, 4aad iyo 5aad uu dhigayo ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda, isaga oo intaas raaciyay in xog dhameytiran lala wadaagi doono Golaha Shacabka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha