Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Midowga Galmudug iyo Ahlusuna waxa uu sahlayaa xureynta deegaannada ka maqan”

Madaxweyne Farmajo ayaa hadalkaan sheegay xili uu Maanta kormeer ku tegay Xerada 21,aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku taalla duleedka Magaalada Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midowga Ahlusunna iyo Galmudug ay sahli karto in la qalabeeyo ciidamada si ay awood ugu yeeshaan xureynta deegaanada ka maqan Gacanta Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Galgaduud ee lagu daray kuwa Galmudug ay u sameyn doonaan qalabeyn iyo waliba tababarid.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.