Dhageyso:-Madaxweyne farmaajo”Madaxdii aan la kulmay weey iga aqbaleyn dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab”

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo   SHabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo in dhamaan Madaxda Wadamadii uu booqday ay ka aqbaleyn in ay ka qeyb qaataan dagaalka cadwaga looga saarayo dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo oo dhameystiran.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media