Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay qarixii ka dhacay Baraawe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qarixii shalay Galabay ku geeriyoodeen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo dalka looga lahaa sida uu hadalka u dhigay.

“Sida aad ogtihiin Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa Al-Shabaab, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Degmada Baraawe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka uu Madaxweyne Farmaajo uga hadlayo qarixii Baraawe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media