Dhageyso:-Madaxweyne farmaajo oo sheegay qabyaalada ka jirta Soomaaliya in ay sintay dadka wax bartay iyo kuwa aan waxba baran

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,ayaa sheegay in Soomaaliya xiligaan dhibaatooyinka heesta ay ka mid tahay in dadku ay simeen dadka aqoonta leh ee wax bartay iyo kuwa aan waxbaran.

Waxa sheegay in tani ay keentay dhibaatooyinka ka dhashay dhanka qabaa’ilka islamarkaana la arkayo iyada oo qofka aan waxbaran uu ka horeeyo kan waxbartay taasna laga dhaxlay wax ku qeybsiga 4.5.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo,ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in qofka Aqoonta leh iyo qofka aan Aqoonta laheyn in aysan iskumid aheyn loona baahan yahay in aan Calamka wax laqeybsano islamarkaana aan ka Shaqeyno Nabada kana tagno qabyaalada oo dalka soomaaliya gelisay meeshii ugu xumeed.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxa uu sheegay xili shalay uu booqday jaamacadda Gaheyr halkaas oo dhaway ay ka guureen Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka midowga afrka ee amisom.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media