Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay sababta Ciidanka xoogga dalka uga guuleysan la’yihiin Amniga

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay caqabada Ciidabka xoogga dalka ka heysata in ay ka guul gaaraan la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka uusan u dhamestirneyn qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen si ay u xaqiijiyaan amniga dalka kana guuleestaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay sidoo kale weli Soomaaliya ay saaran tahay cunaqabateynta dhanka hubka taas oo iyana ah caqabada labaad ee heysata Ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr mar ku celceliyay in dowladiisu ay kaalin weyn ka qaadan doonto dib-udhiska ciidanka xoogga dalka si ay amniga kala wareegaan Ciidamada Amisom oo ay qeyb ka ahaayeen hadaladii uu shalay u jeediyay Ciidamo tababar uga socdo Xerada Janeraal Gooldan oo uu booqday.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media