Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada uga digay qabyaalada

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in qaabka loo marayo dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya aysan noqon hab qabiil maadaama dhibaato farabadan lagala kulmay.

Waxa uu shegay in qabiilka uu na gaarsiiyay meesha aan hadda joogno oo ah burbur,waxa uuna ka codsaday in aan Ciidamada Qaranka lagu mashquulin in ay qabiil u adeegaan.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayuu uga digay in ay Ciidamada kula dhaqman hab qabiil taas oo meesha ka saareysa tayada Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa madaxweyne farmaajo waxa uu sheegay xili shalay boqolaal Askari uu tababar ugu soo xiray Saldhigga Turkiga uu ka furay Muqdisho,waxa uuna ku soo aadayaa xili Ciidamada xoogga dalka lagu xamanayay in ay u shaqeeyaan hab qabiil.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media