Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay ka qeyb qaadashada la dagaalanka Al-Shabaab

Maxamed Cabdulalahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxda dalka Guud ahaan ay isla qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab in siwadajir ah looga wada qeyb qaato.

Waxa uu sheegay in hessiiskii amni ay wada gaareen Dowladda iyo madaxda Maamul goboleedyada dhanka amniga in ay ficil u bedelaan.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay Guud ahaan ka qeyb qaataan dagaalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Dhalinyarda Somaaliyeed waa in ay ka qeyb qaataan xoreynta dalka, hooyooyinka waa in ay Caanaha iyo Biyaha ka daba qaadaan ciidanka, Culumada waa in ay ku baraarujiyaan shacabkeena Soomaaliyeed in Al-Shabaab wax raad ah ku laheyn Diinta, Abwaaniinta Soomaaliyeedna dhankooda ay ka wadaan guubaabada ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo”

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media