Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray Shacabka Cabudwaaq

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo weli ku guda jira socdaalkiisii Gobolka Glgaduud ayaa shalay munaasabad uu kaga qeyb galay halkaas waxa uu kaga hadlay arrimo dhorw ah oo ka mid ah xaalada Magaalada iyo qorshaha dowladda kaga aadan xal u helida dagaalo dhowr mar ka dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Bulshada Magaalada Cabduwaaq ugu baaqay in ay ka Shaqeeyaan Nabada,isaga oo tibaaxay hadii aan Nabada laga Shaqeyn in ay sii jiri karaan dhibaatooyinkii horay uga dhacay Cabudwaaq.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Cabudwaaq aysan waqtigaan kala qeybsami karin sidaas daraadeedna looga baahan yahay Shacabka in ay midoobaan.

Sigaar ah Dhalinyarda ayuu sheegay in la doonayo in Mustaqbalkooda lagu Ciyaaro,waxa uuna kula dardaarmay in aysan ogolaan in dhibaato loo adeegsado.

“Hadii aad aragtaan Magaalo kala xiran diida ha ogolaanina, hadii la’idin yiraahdo Dhanka kale ma aadi kartaan hadyeelina diida, hadii la idin yiraahdo magaladan reer hebel ayaa iskaleh diida,waayo magaalo hal qabiil degan yihiin makobocdo,waxayna keeni karta in Magaalada lakala jarjaro ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo”

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media