Dhageyso:-Madaxweyne farmaajo oo faah faahiyay qodobadii ay isku-afgarteen Madaxda Wadamadii uu tegay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka  Soomaaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kulan gaar ah la qaatay, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Faramajo ayaa sheegay in Safaradii uu ku soo kala bixiyay Wadamada Uganda Itoobiya iyo Jabuuti uu hadda ku sugan yahay ay tahay in uu taagero kaga raadinayo taas oo ah in ay ka taageeraan la dagaalanka Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media