Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo faah faahiyay heshiisyadii uu la galay dhigiisa Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuummadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar.

 Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media