Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo baaq ku saabsan Amniga u diray Shacabka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha lagu sugayo amniga Caasimadda Soomaaliya,isla markaana Shacabka looga baahan yahay in ay ciidamada kala Shaqeeyaan.

Waxa uu sheegay in dadku ay noqdaan kuwo isku duuban taas oo sahli karta in amniga Caasimadda uu noqdo mid sida hadda uu yahay ka soo hagaaga.

“Waxan ku farax sanahay in dadku ay diyaar u yihiin in ay dowladda kalq eyb qaaataan howlaha deriseynta iyo amniga Gobolka Banaadir,si wanasgana ay u shaqeynayaan wxan leeyahay shacabka in qof walba uu difaac u noqdo deriskiisa ama uu ka warqabo weyna maahdsan yihiin shacabka sida ay dowladda u garab taagan yihiin ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka sheegay in munaasabad lagu daah furayay howlaha deriseynta degmooyinka Gobolka Banaadir kaas oo lagu qabtay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media