Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo” Waxaan heshiis la galnay Shirkad Caalami ah

Maxamed Cabdullaahi farmaajo madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Sooamaliya ay heshiis hordhac ah la gashay shirkad Caalami ah taas oo sahmisa Biyaha ku hoos jira dhulka hoostiisa.

Waxa uu sheegay in qorsha dowladda uu yahay in 24 Bilood ee soo socotaa in la baaro Biyaha ku jira dhulka hoostiisa iyada oo la adeegsanayo Sataletesida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in qorshahaan ay dowladda kaag gol leedhay in laga baxo faqriga iyo Gaajada islamarkaana Soomaalida ay isku filnaadaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Faraamjo  waxa uu ka sheegay furitaankkii kala-fadhiga labaad ee Kulanka Xubnaha Aqalka Sare ee uu shalay Muqdisho ka furay

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media