Dhageyso:-Madaxweyne Cosoble”Ciidamada Hirshabeelle Waxaa Laga Xukumi doonaa Dagmada Buulo-Burde

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ka degay Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle,waxaana Garoonka Diyaaradaha ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble qeybaha kala duwan ee Bulshada baladweyne

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya Ciidamada maamulka hir-Shabeelle laga xukumi doono Magaalada Buula-Burde ee Gobolka Hiiraan halka mari hore laga kula xukumi jiray Magaalooyinka Dhuuso-Mareeb iyo Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga waxa iskabedeli kara hadalka ka soo baxay madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle ee ku aadan in Ciidamada Hir-Shabeelle laga Xukumi doono degmada Buul-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cosoble

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media