Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliland”Cidkasta oo diidan Nabada waan la-dagaalami doonaa”

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliland ay mar walba diyaar u tahay in ay iska diafacdo cidkasta oo deegaanadeeda kusoo duusha,xilli maalma kahor deegaanka tukaraq ay dagaal kula galeen Ciidamada maamulka Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Soomaliland ay diyaar u tahay in ay tallaabo ka qaado cidkasta oo nada diidan,balse marka hore ay siin doonaan digniin tan xigtana ay noqon doonto in ay la-daagalamaan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in marwalba Soomaaliland ay diyaar u tahay in ay nabada qaadato balse aysan ogolaan doonin in deegaanadooda lagu soo xadgudbo.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa daba-socda iyada oo maalma kahor madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas,uu sheegay in Soomaaliland ay dooneyso in ay qabsato dhul aysan laheyn balse ay iska difaaci doonaan.

Hoos Ka Dhageyso codka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media