Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliland oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Cusub

Maalin kadib markii xilka lagu wareejiyay Maanta oo khamiis ah ayaa madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Cusub.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Wasiirada uu Magacaabay waxa ay ka kooban yihiin 23, oo isugu jira Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno,kuwaas oo qaarkood ay ku jiraan Wasiiradii hore ee Siilaanyo.

Wasiirada uu Magacaabay ayaa waxa ugu muhiimsan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali shire oo xilkaas horay u hayay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Yuusuf Cabdalle, iyo Wasiiro kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland Xuseen Cige Deyr ayaa Warbaahinta u Akhriyay Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Soomaalilnd.

Hoos Ka Dhageyso Afhayeenka Madaxtooyada Soomaliland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media