Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay lahaayeen qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaasoo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday lacagtii 8-dii Bishaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho,waxa uuna sheegay in $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah   lacagtaas loo waday Ciidamada Puntland oo uu Imaaraadka tababaray.

Madaxweyne Abdiwali ayaa sheegey in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.

Shalay ayay aheyd markii Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland uu sheegay in marnaba aysan jirin cid u bedeli karta Imaaraadka Carabta,isla markana uu yahay dal wax badna u qabtay Maamulkooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabduweli Gaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media