Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo banaanaa iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga maamulkas.
Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa laga akhriyay Magacaabista Booskii uu baneeyay Madoobe Nuunow Maxamed oo ku geeriyooday qarixii Hotelka Naasa Hablood 2.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maamulka Koonfur Galbeed Aadan Xasan Maxamed ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha loo Magacaabay maxamed Madoobe Nuunoow halka Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamed Cumar Zeytuun.
Sidoo kale waxaa la faray in msuuliyiintaan la Magacaabay ay xiligaan wixii ka dambeeya ay gutaan wajibkooda Shaqo.
Hoos Ka dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maamulka Koonfur.