Dhageyso:-Madaxweynaha Jabuuti oo shaaciyey sababtii ay u eryeen Shirkada DP World

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay sababtii ay dekada dooraale uga ceyriyeen Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta taas oo maamuleysay dekadaas.

Mar uu Maanta  Wareys siinayey Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in ujeedadii loogu wareejiyey dekada dooraale Shirkaadas ay aheyd ay markii hore aheyd in ay hormariso,isla markaana ay dowladda Jabuuti qaadato saamiga ugu badan ee dekadaas ka yimaada balse Shirkada DP World taasi ay meesha ka saartay.

Waxa uu sheegay in marnaba aan la qaadaneyn waxyaabo aan dani ugu jiran Shacab weynaha Reer Jabuuti,sidaas daaradeedna Shirkada DP Word lee Wadanka Imaaraadka Carbta looga eryay dekada dooraale ee dalka Jabuuti.

Shirkada DP World ayaa horay waxaa looga mamnuucay in ay ka Sahqeyso Soomaaliya,ka dib khilaaf ka dhashay heshiis Saddex geesood ahaa oo ay kula wareegtay dekada Magalada Berbera,isla markaana heshiiskaas ay dowladda Soomaaliya ka soo horjeesatay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Jabuuti.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor