Dhageyso:-Madaxweye Farmaajo “Shacabka hala shaqeeyeen ciidamada, si looga hortago Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed taas oo ku aadan in Shacabku ay la Shaqeeyaan Ciidamada si loga hortago dagaalada iyo qaarxyada mararka qaar ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ciidamada ku shaqada leh xasilinta amniga caasimadda aysan kaligood waxba qaban karin, haddii aysan helin taageerada Shacabka, kana codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga.

“Sidaad ogtihiin doraad dad masaakiin ah oo meel ka qaxweynaya oo waqti Ramadaan ku jira, ayaa dad sheeganaya dad magac diin ku socday, waxa ay laayeen wax Allaale wixii carruur ah ee meesha joogay oo goob ku afurayay, kuwaasi oo isugu jiray carruur, gabdho iyo dad da’ah, maxay galabsadeen, dadkaasi waxaa lagu laayay magac Muslim., Diintee qabta in la laayo dad maato ah oo naf la xalaaleysto” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media