Dhageyso:-Madaxtooyada Soomaaliland oo beenisay in Qaliin lagu sameeyey Madaxweyne Silaanyo

Madaxtooyada Maaamulka Soomaaliland ayaa faah faahisay Warar sheegayay in Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Qaliin loogu sameeyay isbitaal ku yaalla Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu booqasho ku tegay.

Madaxweyne silaanyo oo booqashadiisa ay qaadatay mudo ka badan 4 Isbuuc ayaa ku soo laabtay Magaalada Hareysa,waxaana Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Xuseen Aadan Cige Deyr,oo Warbaahinta la hadlay uu sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah islamarkaana howlo gaar ah uu u tegay Imaaraadka sinabad ahnauu  ku soo laabtay.

Warbaahinta qaarkood iyo Baraha Bulshada ayaa Maalmahaan lagu qorayay in xaalada Caafimaad ee madaxweyne siilaanyo ay halis ku jirto islamarkaana uu jiifo isbitaal ku yaala Imaaraadka balse Warkaas ay beenisay madaxtooyada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa.

Hoos ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media