Dhageyso:-Madaxtooyada Hir-Shabeelle oo markii ugu horreysay ka hadashay warar laga faafiyey Madaxweyne Waare

Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaarey Wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waare ayaa ujeedka safarkiisa ee Kenya uu ahaa waxka qabashada fatahaadaha Wabiga shabeelle uu ka sameeyey deegaano ka tirsan maamulkiisa kaas oo sababay in ay boqolaal ruux barakacaan.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu la kulmay madax ka socotay Beesha Caalamka iyo hay’ado Caalami ah,isla markaana uu kala hadlay arrimo ku saabsan fatahaadaha iyo amniga.

Sidoo kale waxa ay been abuur ku tilmaamtay warar warbaahinta qaarkood ay baahisay oo ahaa in Madaxweyne Waare tegay Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Waare ayaa maalmaha uu ku sugan yahay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media