Dhageyso:-Madaxda Puntland oo Go’aan ka gaareysa diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga

Madaxda ugu sareysa Maamulka Puntland qaarkood iyo Culuma’udiinka oo maanta Boqolaal dadweyne ah Salaada Ciida kula dukaday Magaalada Garoowe ayaa waxa ay siweyn uga hadleen caqabadii ka dhalatay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey, iyo qaar ka mid ah culumada ayaa waxa ay sheegeen in diidmada Ganacsatada Puntland ay caqabad ku noqotay Shacabka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay ka hortaga arintaan aysan ku filneyn Puntland oo kaliya balse la doonayo in dowladda Federaalka Soomaaliya dhankeeda ay qeyb weyn ka qaadato ka hortaga dhibaato ka dhalata diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga.

Wariye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Wariye Axmed Xuseen cadow uga Waramay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media