Dhageyso:-Madaxda Maamulka Khaatuma oo sheegtay in lagu hayo faragelin dhanka Amniga ah

Madaxweyne ku xigeenkii Maamulka iskood isku Magacaabay ee Khaatuma Istate dhawaana ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan Maamulka Khaatuma in ay xilkii ka qaadeen ayaa sheegay in faragelin cad lagu haayo Maamulkooda.

Cabdalle Maxamuud Heybe ayaa sheegay in ay muuqato faragelin ay ku wadan dad aan dooneynin nolosha dadka ku nool deegaanada maamulka Khaatuma in kastoo uusan cadeyn cid gaar ah oo khalalaaso ku wado maamulkooda.

Waxa uu ugu baaqay Masuuliyinta Maamulka Khaatuma iyo shacabkooda in ay ka feejignaadaan dad aan dooneyn aayaha Khaatuma kuwaas oo Nabadgelyo Xumo ka dhex abuuraya sida uu hadalka u dhigay.

Weli waxa aan xal lag gaarin xiisadii u dhaxeysay Madaxweynaha Khaatuma Cali Khaiif Galeyr iyo  ku xigeenkiisa  Cabdalle Maxamuud Heybe.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatuma

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media