Dhageyso:-Madaxda Galmudug oo ka hadlay Socdaalkooda Muqdisho iyo khilaafka ka dhaxeeya

Xalay Fiidkii waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Gudoomiyaha Baarlmaanka Galmudug iyo labadiisa ku xigeen kadib markii uu u yeeray madaxweyne Farmaajo.

Mark hore Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Madaxda dowladda ay u yeertay balse aysan cadeyn Karin sababta waxyaabihii ka soo baxana ay soo gudbin donaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Galmudug ay leedahay Dastuur oo Madaxda kala saarayo, sidaas darteedna ay waansgan tahay in dadka ishaya ay dastuurka ku kal baxaan cid diideysanaya aysan jiri Karin.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Gallmudug Maxamed Caashi Cabdi ayaa isna sheegay in Muqdisho ay u yimadeen Shaqo yar oo dhanka Maamulka ah isla markaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga yeertay Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha khilaafka oo dadka Soomaaliyeed ay siayabo kala duwan u fasireen.

“Waxaan u cadeynayaa Shacabka Galmudug in khilaafka uusan salka ku heyn arrimo qabiil, mid Siyaasadeed intaba bale uu yahay mid kaliya Madaxda Sare ee Galmudug uu u dhaxeeya.

Hoos Ka Dhageyso Codadka labada Masuul.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media