Dhageyso:-Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug oo bilaabay la-xisaabtanka Golaha Wasiirada+Sawirro

Shirkaan oo looga hadli doono qorshaha horumarinta Galmudug oo maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galaya aqoonyahno iyo madax katirsan Galmudug oo uu kamid yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana sida qorshuhu yahay uu socon doonaa muddo afar maalin ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dawlad Goboleedka Galmudug C/xakiin Cali Guure ayaa ugu horyn ka hadlay furitaanka shirka waxaana uu sheegay  in shirkaan oo la iugu yimaado ay ka dhigantahay in Galmudug ay diyaar u tahay sidii ay ugu tashan laheyd wax soo saarkeeda xiligaan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kula dar daarmay ka qaybgalayaasha inay mideeyaan maskaxdooda ayna soo saaraan habkii Wasaaraduhu ku howlgali lahaayeen si horumar loo gaaro.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Hay’adaha kala duwan ee maamulkaGalmudug waxa ay ku dadaalayeen qabashada shirar iyo kulamo looga hadlayo Horumarinta Deegaanada Galmudug.

Warkaan oo faah faahsan,waxaa dhuusamareeb kas oo dirtay Wariyaheena Maryan Cali Mire.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media