Dhageyso:-Madax Ka Socota Galmudug Iyo Puntland Oo Gaalkacyo Ku Kulmaya

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa la filyaa in ay ku kulmaan Madax ka kala socota Mamulada Galmudug iyo Puntland si loo dhameeyo wadahadalo horay u socday oo ku saabsan amniga Magaalada Gaalkacyo.

Horay ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo uga wada kulmay labada Madaxweyne ku xigeen ee Galmudug iyo Puntland Maxamed Xaashi Carabeey iyo Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey, taas oo suurtagelisay in Ciidamada iskudhaf ah loo sameeyo Magaalada Gaalkacyo.

Kulamadaan oo maalmo qaadan doona ayaa la filayaa in ay ka kala dhacaan Waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo oo ay gacanta ku hayaan labda dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Maamulka Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle Beereey, ayaa Warbaahinta u faah faahiyay wadahadalada Madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Puntland uga furmaya Magaalada Gaalkacyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media