Dhageyso:-Maamulka Puntland oo digniin u diray Soomaaliland

Maamulka Puntland ayaa haatan ka digaya in Maamulka Soomaaliland ay keenaan Sanaadiiqda doorashooyinka deegaanada qaar oo ay Maamulka Puntland maamulaan oo Olole ay ka bilaabeen Maamulka Soomaaliland.

Cabdi Xersi Cali (Qarjab) Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Puntland in aysan dooneyn in Soomaliland deegaanadeeda ay ka sameyso doorashooyin.

Waxa uu uga digay Soomaaliland in arrintaan aysan ku soo fududaan isla markaana Puntland ay diyaar u tahay in ay difaacato deegaanadeeda.

Waxa uu ugu baaqay in aysan horsed u noqon Soomaaliland in deegaanadaas uu dhiig ku daato.

Horay ayaa doorashooyin ka dhacayay deegaanada Soomaailand waxaa uu dagaal ku dhex maray Ciidamada labada Maamul taas oo hadda laga digayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Qarjab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media