Dhageyso:-Maamulka Khaatuma oo uga digay dadka ku nool Buuhoodle in ay qaataan Kaararka doorashooyinka Soomaaliland

Cabdulle Maxamuud Heybe oo dhawaan Xildhibaanada Maamulka khaatuma ay u doorteen in uu noqdo Mdaxweynaha KMG,ka ah ee Maamulkaas kadib markii ay xilkii ay  ka qaadeen Cali Khaliif ayaa ka hadlay kaararka codbixinta doorashooyinka Soomaaliland ee la keenay qeybo ka mid ah Gobolka Togdheer.

Waxa uu sheegay in dhawan ay Gacanta ku dhigeen Kaararka codbixinta oo Soomaaliland ay dhawaan keentay deegaano hoostaga degmada Buuhoodle islamarkaana ay Saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu uga digay dadka ku nool Gobolka Togdheer gaar ahaan deegaanada hoostaga Magaalada Buuhoodle in ay qaataan kaarkaas doorashada Maamulka Sooamaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdulle Maxamuud Heybe

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media