Dhageyso:-Maamulka Khaatuma oo Soomaaliland ku eedeeyay dagaalkii ka dhacay Magaalada Buuhoodle

Maamulka Khaatuma ayaa ku eedeeyay in ay Maamulka Soomaaliland ka dambeeyaan dagaal Beeleedyadii u dambeeyay ee shalay ka dhacayay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Togdheeer.

Cabdalla Maxamuud Heybe oo ah Madaxweynaha KMG,ka ah ee Xildhibaanada Maamulka Khaatuma u doorteen kadib markii ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Cali Khaliif Galeyr ahna Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in ay soo abaabuleen Soomaaliland dagaalkaas.

Waxa uu sheegay in waqti badan ay geliyeen ogaanshaha cida iskaleh Masuuliyada dagaalkii ka dhacay Magaalada Buuhoodle balse ay ogaadeen in ay ka dameeyeen dad uu soo diray Maamulka Soomaaliland.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in uu gestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,welina eedeynta loo jeedinayo Maamulka Soomaliland wax jawaab ah kama bixin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media